Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhabaa in Aaran-jaan laba ukala jabeen?
    Somalia

    Ma dhabaa in Aaran-jaan laba ukala jabeen?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 23, 2019Updated:June 23, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Puntland Development Group waa koox ihaysatay 10-kii sano ee udanbeeyay qandaraaska u adeegida Ciidamada Badda Puntland ee Dowlada Imaaraadku taageerto.

    Bil walba Malaayiin Dolar,ayaa ku baxa adeega Ciidamadaas,waxayna shaqsiyaadka ku bahoobay shirkadan qaybsadeen dhamaan mashaariicdii u adeegida Ciidanka.

    Maxamuud Shido oo ah xiriiriya kooxda khatarta ku ah Dowladnimada ee Aaran-jaan iyo Xasan Shire Abgaal oo hada ah Wasiirka maaliyada waxay haystaan qaybta adeega shidaalka iyo mushahaaradka.

    Suldaan Koontihii dhintay rabi ha unaxariistee iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Faarax Cali Shire waxay haystaan qaybta Adeega raashinka.

    Senatar Mashruuc iyo Sodogiis Cabdullaahi Saalax Deer waxay haystaan qaybta adeega Dawada iyo Dharka.

    Ilmo Shire Quube Niman lagu naynaaso waxay haystaan qaybta adeega Biyaha.

    Kooxdan waxaa si dadban uga mid ahaa Maxamed Cabdiraxmaan Faroole,inkastoo uusan ku jirin qandaraasleyda hadana bil walba waxaa la siiyaa lacag gaaraysa 3000 oo dolar oo mushahaar joogta ah.

    Maxamed oo saluugay lacagtaas dhawr jeerna u cawday Raga maamula Shirkada,basle wax garaabis ah ka waayay,ayaa ugu danbayn qarxiyay xogo muhiim ah.

    Xogaha muhiimka ah ee Maxamed gacanta ku hayay wuxuu la wadaagay saraakiil sar-sare oo ka mid ah Dowlada Imaaraadka,gaar ahaan kuwa qaabilsan taageerida Ciidamada Badda Puntland.

    Sii daynta xogtaas waxay keentay in Dowlada Imaaraadka oo bixisa dhaqaalaha Ciidamadan ay joojiso wada shaqayntii kala dhaxaysay shirkada PDG,iyadoo si cad ugu sheegtay in ay iyagu hawshooda qabsanayaan waxii hada ka danbeeya.

    Maamulayaasha shirkada PDG oo ka qaracmay talaabada Imaaraadka,waxay abaabuleen qorshe isku day weerar ah oo lagu qaado fariisinka Ciidamada,balse waxay ku filnaadeen dhigashada kaynatarool Wadada aada dhanka Xerada Ciidamadaas.

    Maalmo xaaladu cirka isku shareertay kadib Madaxweyne Deni waxuu ku guulaystay in uu ku qanciyo maamulayaasha PDG in isaga la sugo intuu ka imaanayo.

    Imaaraatiyiintu way ku adkaysteen go’aankoodii si cadna waxay Madaxweyne Deni ugu sheegeen in aysan dib ula shaqaynayn shirkada PDG.

    Sida xoguhuna tilmaamayaan PDG dib uma arki doonto qandaraasyadii ay ku naaxeen,waxaana warar hoose sheegayaan in imaaraatiyiintu ay durba ubandhigeen Adeegii loo qaban jiray shirkad uu leeyahay Liibaan Muuse Boqor oo lagu magacaabo (Kron Logistics) taasoo ka hawlgasha gudaha Puntland

    Maxamuud Shido xiriiriyaha kooxdan khatarta Umada ku ah waxuu damcay in uu ergo ugu tago Faroole,balse Maxamed oo Odyagu meel ugu xiran yahay,ayaa ka hor istaagay.

    Maxamed Faroole waxuu ku doodayaa in Ragan ay magacoodii ku naaxeen kuna abuurteen hanti fara badan midka ugu yarna 3-guri ku leeyahay Garowe,halka iyaga reer Faroole ahaana ay bakhtiyeen. sida uu sheegtay.

    Isku dhaca kooxdan waxay badbaado unoqon doontaa Umada reer Puntland ee dayaca lakacaa kufaysa.

    Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.