Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhabaa in Deni iyo Farmaajo wax kala goosteen??
    Somalia

    Ma dhabaa in Deni iyo Farmaajo wax kala goosteen??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 17, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkii Garowe intii lagu guda jiray,waxaa soo baxayay xogo tilmaamaya in uu jiray isfahan dhexmaray Dowlada Dhexe iyo Puntland.

    Xogahan lama xaqiijin karo,balse waa kuwo ay dhici karto in ay wax ka jiraan boqokiiba Lixdan.

    Isfahanada dhexmaray Puntland iyo Dowlada dhexe,ayaa lagu sheegay in ay saldhig u noqdeen dhawr qodob oo kala ah:-

    1.Puntland in booskii Gudoomiyaha Bangiga dhexe loogu badalo Xisaabiyaha guud ee Xukuumada Dhexe.

    2.Puntland in la siiyo agaasimaha hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Fadaraaliga ah.

    3.Puntland in la siiyo lacag gaaraysa 8-Milyan oo dolar oo qayb ka ah Deeqo caalamka laga helay.

    4.Puntland in la siiyo Saanad Milatari oo qayb ka ah taageero milatari oo laga helay wadamo Somaliya ka taageera la dagaalanka argagixisada.

    4.Puntland in loo fasaxo si cad mashruuca dhismaha Dekeada Bosaso.

    5.Puntland in loo fasaxo ilaa sadex mashruuc oo horumarineed una xaniban saxiixa Dowlada dhexe.

    Dhanka Dowlada Dhexe,ayaa iyadana waxay Puntland ka dalbatay dhawr qodob oo kala ah:-

    1.Puntland in ay ka aamusto shuruucda doorashada iyo shidaalka.

    2.Puntland in ay xiriir cusub la furato maamulada Hir-shabelle iyo Koonfur-galbeed.

    3.Puntland in ay hoos u dhigto xiriirka maamulada Galmudug iyo Jubaland.

    Dhamaan qodobadaas fulintooda waxay xogtu sheegaysaa in ay durba bilowdeen oo dhanka Puntland talaabadii ugu horaysay oo is aaminid ah ay qaaday.

    Sidoo kale Dowlada dhexe ay dhankeeda qaaday hal talaabo oo fulin ah kana mid ah qodobada lagu heshiiyay sida xogtu soo warinayso.

    Dhamaystirka heshiiskan waxaa qorshuhu yahay in Madaxweyne Deni tago Muqdisho si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyo,isla markaana farta laga soo saaro lacagta iyo saxiixa mashaariicda iyo saanada milatari,inkastoo xiliga uu tagayo aysan xogtu cayimin.

    Is afgaradkan waxaa hormuud ka ahaa oo ka shaqeeyay Senatar Jurile iyo Senataro kale oo la jaal ahaa sida xogtu tiri.

    Puntland heshiiskan waxuu u yahay mid wax kusoo kordhinaya,balse waxuu luminaya isbahaysi muhiim ah oo soo jireen ah dano la taaban karana ay kala dhaxeeyaan.

    Puntland iyo iridaha ufuran”

    Labo mid baa ufuran Puntland,kuwaasoo kala ah:-

    B.In ay laba wajiilayso oo soo laabashada Axmed Madoobe ku dirirto ,sidoo kale sii wado taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed ee Madaxweyne Xaaf,isla markaana Dowlada dhexe lasii wado heshiiska.

    T.In gebi ahaan ay ka fogaato Dowlada dhexe kuna adkaysato isbahaysigeedii hore lana sii dagaasho danaha kooxda Villa Somaliya xiligan fadhiya,iyadoo maanka ku haysa shuruucda shidaalka iyo doorashada oo saamayn khatara oo masiiriya keeni karta.

    Heshiiskan sida xogtu leedahay waxaa wada galay labada Madaxweyne oo ay kaabayaan Senatarada Jurile hormuudka u ahaa.

    Heshiis kale oo dhexmaray Khayre iyo koox Faroole wato!!

    Waxaa jira xog kale oo leh waxaa iyaguna heshiis hoose galay koox uu horboodayo Faroole iyo Khayre.

    Isfahankaasi waxuu ku fadhiyaa sidii Khayre loogu taageeri lahaa in uu noqdo Madaxweynaha Somaliya Farmaajo kadib.

    Sida ay tilmaamayso xogtan caatada ah ee qiimaynteeda aaminaadu gaarsiisan tahay boqokiiba sodon,waxay ku heshiiyeen kooxda Faroole hogaaminayo oo ay ku jiraan Cali Yuusuf Cali Xoosh,Maxamuud Shido,Axmed Cawad iyo M.Faroole.

    B.In si xoog leh Khayre loogu garab istaago noqoshada Madaxweynaha 2021 ee Somaliya.

    T.In kooxda Faroole horboodayo lasiiyo ra’isalwasaaraha Dowlada Khayre hogaamin doono,kaasoo ay isla fahmeen in uu noqdo Axmed Ciise Cawad.

    J.In Khayre umagacaabo dhawr boos oo Dowlada dhexe ah shaqsiyaad ka mid ah kooxdaas.

    Isfahankan Madaxweynaha Fadaraalku waxba kalama socdo sida xogtu xaqiijinayso.

    Is afgaradkan la sheegayo in uu dhexmaray Khayre iyo kooxda Faroole bahaldilaha u yahay mahan mid saa usii buuran,hirgalkiisuna uu haysto fursado badan,waxaaba la oran karaa waa riyo rag ku sheekaystay ee mahan wax waaqiciya.

    Danta Puntland!!

    Madaxweyne Deni waxuu haystaa maanta fursad siyaasadeed oo aad usaraysa,waana furaha siyaasada Somaliya ee xiligan,balse waa hadii uu ufahmo sida ugu haboon.

    Deni waxaa looga fadhiyaa in uusan ka dayicin Puntland fursada iyo dareenka Somalida kale iyo beesha caalamka ee ay Puntalnd haysato xiligan,isla markaana dano gaar ah aan looga faa’idaysan.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.