Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhabaa in diyaaradihii dagaalka Turkiga ee Armenia lagu jabiyay la geeyay Somaliya?
    Somalia

    Ma dhabaa in diyaaradihii dagaalka Turkiga ee Armenia lagu jabiyay la geeyay Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ma dhabaa in diyaaradihii dagaalka Turkiga ee Armenia lagu jabiyay la geeyay Soomaaliya?
    10 Disembar 2021.

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan.

    Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda. Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2.

    Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeeyay iyo inta dal ay ka howlgaleen.

    Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?
    Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

    Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

    Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.

    Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

    Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

    U adeegsiga diyaaradahan goobaha dagaalka
    Diyaaradda TB2 oo lagu soo bandhigay dhoolatus ay sameynayay ciidammada Ukraine oo Turkiga ka so iibsaday diyaaraddan.

    Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

    Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka , Major General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.ilaa iyo hadda oo ay dagaalladu socdaan waxaa la sheegayaa in diyaaradahaan ay qayb wey ka qaateen dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya ay kula jiraan xooggaga Tigrayga.

    Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh.

    Erdogan oo soo bandhigay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu dalkiisa sameystay
    Muxuu yahay hubka uu Turkiga helay ee Mareykanka halista galiyay?
    Turkiga oo awooddiisa milatari si lama filaan ah ugu hormariyay qalab uu ka helay UK
    Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horjeeda.

    Erdogan oo shaaca ka qaaday diyaaradda bilaa duuliyaha ee hubeysan ee uu dalkiisa sameystay
    XIGASHADA SAWIRKA,TURKISH PRESIDENCY
    Dalalka Afrika iyo diyaaradaha TB 2
    Madaxweyne Erdogaan ayaa sanadkaan dhexdiisa booqasho ku tagay dalka Angola wuxuuna xiligaas sheegay inay codsatay dowladda Angola in ay hesho diyaaradaha dagaalka ee uu Turkigu sameeyay.

    Toddobaadkii hore uun, Turkiga ayaa la sheegay inuu ballaariyay dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caanka ka ah dunid, isagoo heshiisyo la galay dalalka Morocco iyo Itoobiya.

    Iyadoo ay jirto tallaabadaan uu Turkigu ku ballaarinayo gaynta diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn dalalka Afrika ayaa hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.