Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maamulka Somaliland Oo U Cabaad Iyo Baryategey Ethopia iyo Jabbuuti Oo Ay Aqbashay Puntlandna Ka Indho Iyo Dhego La’dahay
    Somalia

    Maamulka Somaliland Oo U Cabaad Iyo Baryategey Ethopia iyo Jabbuuti Oo Ay Aqbashay Puntlandna Ka Indho Iyo Dhego La’dahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 9, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan ku bilabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh.


    Dawladda Ethiopia oo gashan khamiiska IGAD ayaa soo qaaday olole iyo duulaan siyaasadeed, olohaas oo ay golleeyihiin sidii cabaadkii iyo cabashadii maamulka Soomaaliland ee ku saabsanayd in ciidanka Puntland looga horago…. Kadib markay Somaliland ku andacootay in Lascaano ay hor fadhiyeen Jabhadda ONL, Puntland hadday qabsatana ay noqon doonto Laascaano waddo u furan Jabhaddaas ONL maaddaama ay isku Isir Yihiin… Arintaana waxaa sii xoojiyey Ismaciil Cumar Geelle oo in mudda ah qabay cudur la yiraahdo IRIR….

    Ethopia iyadoon ka fiirsan dhagaysanna dhankii kale ayeey waxay cabbaysay Ururka IGAD iyadoo ku duulaysa fikir dhgareed ah in xalka nabaddu ku jiro in ciidamada lakala qaado oo lakala geeyo goobahoodii hore ee Ganbara iyo Tukraq, taas oo ah in Gobolka Sool Loo Daayo Maamulka Somaliland…

    Waxaa magaalada Mugdishu ee caasimadda Soomaaliya ku soo wajahan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminaya Dr. Moxammed Cali Guuyo kana soo kicitimay magaalada Addisababa iyagoo xanbaarsan dhagartii Ethopia iyo Jabbuuti usoo bandhigeen ee ahayd in xalka nabadddu yahay inay labada maamul ku kala noqdaan meelihii hore ee ay kala joogeen ee Ganbara iyo Tukaraq…

    Waxaa nasiib darro ah inaan Maamulka Puntland ogayn dhagartaan is dulsaaran ee lagasoo maleegay Jabbuuti cagahana kusii jiidatay Ethopia iyo USA, in Maamulkaa Puntland Madaxiisa Sare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka indho iyo dhagala’ yahay una haysto inay dawladahaan is bahaystay iyo IGAD ka daacad yihiin arintaan ay dabada ka riixayaan iyagoo usoo maraya hanaanka protocolka dawladiga ah… Waxaa kaloo isna shabaqaan kusoo dhacay Madaxa Sare ee DF Maxammed Farmaajo…

    Waxaa kaloo qorshaha Dawladahaan ku jira inay caga juglayn ku sameeyaan garwadeenada Maamulka Puntland sidii looga dhigi lahaa xaajada mid raacsan waxay la gurguuranayaan… Warar hoosaad ayaa sheegaya in dhagartaas lasoo maleegay u nugul yahay Madaxwaynaha Puntland Abdiweli M. Ali Gaas oo boqolkiiba 99 ay wararku u badan yihiin inuu aqbali doono…. Xaqiiqdase Allah ayaa og…

    Waxaa aad iyo aad u nasiib darro ah in shacab dhan oo aan wax danbe ah ka gelin adduunkaas dawladaha ku nool dacaladdiisa, oo waliba ay dawladahasi sheeganayana inay dimuqoraadiyiin yihiin ay ka furaystaan dhegahooda dhawaqa shacab kaas kasoo baxaya, oo ay dawladahaasi u xayd xaydteen sidii loogu sahli lahaa Maamaulka Somaliland inay cabburiyaan oo madaxa cag kaga hayaan… iyagoo dawladahaasi daawanayeen rasaasta shacabka Laascaanood sida ar xandarada ah loola dhacay, dumarka ku dhimanaya xabsiyada Laaska, beebayadii kalshaale shacabka dusha laga marinayey oo ilaa yoomanaa haadaa aan waxba laga oran in maamulka Somaliland sharciga la marsiiyo iskaba daaye…
    Waxaa kaloo Nasiib darro ah Masuulka dhan ee lagu qancinayo aan dadkaaga sidii aan doonno ka yeello oo wararku u badinayaan inuu Gunnimadaas Aqbali Doono…
    Waxaa is waydiin mudan Sahacabka, Nabaddoonada Isimada Iyo Ciidanka Puntland ee dhammaantood sharafta badan Rabbi ku mannaystay maka aqbali doonaan dhagartaas ay Dawladahaasi soo maleegeen…

    Waxaa kaloo is wayddiin Mudan Abdiweli Gaas dhabarka ma u ridan doonaa sharaf dhaca aan abid ka harayn iyo sumcad darada kaga iman doonta oo aanu inta noloshiisa ka hartay ruux u dhashay goboladaan aanu salaami doonin…. Mase Ogyahay hadduu arintaan aqbalo inay tahay in Loo Sharciyeyey Somaliland Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle…

    Mise Toloow wuxuu oran doonaa…
    Fool wada qayaxan qosol aan dibanaha gaarsanayn oo laysu qarinaayo
    Doqonbaa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
    Ma anigaa mindiyo lay qarshaa laygu qalan doonaa…

    Wa Billaahi Tawfiiq
    Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
    Email: aadciiltire@gmail.com
    Facebook: https://www.facebook.com/Guureey
    Website: http://aadciiltire.wordpress.com/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.