Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madal looga doodayey horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka dowliga ah oo la soo gabagabeeyey (Sawirro)
    Somalia

    Madal looga doodayey horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka dowliga ah oo la soo gabagabeeyey (Sawirro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 4, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta  lagu soo gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha Dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dowladda, aqoon yahano ka kala socday dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

    Waxyaalaha kulankaan looga dooday ayaa waxaa ka mid ah:

    1. Dhisidda hey’adaha dawliga ah oo adkaysi u leh marxaladaha isbedelada badan ee dalka jira.

    2. Tayada hey’daha dawliga ah oo lagu cabirayo waxqabad, la qabsigooda iyo Xasiloonidooda (heer Federaal iyo heer maamul goboleedba).

    3. Doorka haweenku ku leeyihiin maamulka guud iyo shaqooyinka hey’daha dawladda.

    Ugu horeynta Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha mudane Saalax Axmed Jamac oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraday heerarka kala duwan ee ay soo mareen dhisida Hay’adaha dowliga kuwaas oo laf dhabar u ah horumar balaaran ee wadan ku talaabasado

    “Shirkaan waa ka duwan yahay shirarka kale oo qabsooma, ujeedkiisuna waa inaan la imaano madal (Forum) looga doodado horumarada shaqaluhu ay sameeyaan, shirkaan wuxuu la xariiraa maamulka iyo maareynta, ee maahan mid saiyaasadeed, waxaan labada malin ee uu socda looga  doodi doonaa meesha  aan ka nimid iyo halka aan higsanayno, dalka horumarkiisu waa mid ku xiran in la helo  shaqaale carbisan oo leh hufnaan, karti iyo aqoon, taas ayaa ka turjumaysa sidii aan u gaari lahayn Qorshaha Horumarinta Qaranka  oo waxyaalaha dowladdu qabanayso mudnaanta u kala leh” ayuu yiri Wasiir Salaax

    Xiriiryaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha  Dowladda (CIP) ahna qaban qaabiyaha madashan Xassan Dirie ayaa dhankiisa sheegay in madashaan ay tahay tii ugu horaysay ee dalka ka dhacda, waxaana ay noqon doontaa mid si joogta ah loo qabto sanad kasta iyadoo hada ka dib lagu soo bandhigi doono daraasad laga soo sameeyey hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

    Gabgabadii Madasha ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay saxaafada u akhriyey Agaaismaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxman Yusuf Al-cadalah.

    1. Ka qaybgalayaashu waxay isla garteen baahida loo qabo in lahelo sharciyo iyo siyaasado qeexan oo kala xadidaya siyaasadda iyo maamulka hay’adaha dowladda.

    2. Madashu waxay soo jeedinaysaa in ahmiyad gaar ah la siiyo in masuul kasta oo loo magcaabayo xil lagu taxgaliyo inuu xirfad u leeyahay shaqada uu qabanayo.

    3. In maamulada kala gadisan ee heer federal iyo heer mamaul goboleed ay kala fa’iidaystaan xirfadaha iyo waayo aragnimada dhexdooda ah.

    4. Madashu waxay isla garatay baahida loo qabo in la kordhiyo tayada iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala hay’adaha kala gadisan ee dowliga ah.

    5. Madashu waxay ku boorinaysaa xarumaha waxbarashada sare ee dalka in ay ku saleeyaan manahajyadooda baahida xirfadeed ee ka jirta dalka isla markaan ay dib u qiimeeyaan tayada ardayda ay soo saarayaan.

    6. Madashu waxay isla garatay ahmiyada ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee xirfad la’ah uu ka shaqayn karo dalka oo dhan aana laguna xadididin gobol iyo degaan gooni ah, badalkeedana loo tixgaliyo xirfada uu u leeyahay shaqda.

    7. Ka qayb galayaashu waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka noocaan ah iyadoo la isku raacay in sanadkiiba mar la qabto, shirkaan midka xigana waxaa loo qorsheeyey in la qabto October 2018.

    8. Ka qayb galayaashu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuda shaqaalaha iyo u dhamaytirida qalab iyo xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo.

    Ugu danbayn madashu waxay u mahadcelisay Bangiga Aduunka oo fududeeyey qabsoomida kulankaan, Xooghayaha Joogtada Xafiiskak Ra’iisul  Wasaaraha, Howlwadeenada Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, gudiga shaqaalaha rayidka ah, Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, oo dhamaantood suuragaliye qabsoomiada Madashaan, waxaa sidoo kale u mahadcelinaysaa aqoonyahanada talooyinka ka soo jeediyey iyo masuuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ee ka soo qayb galay Madashan kuna soo siyaadshay khibrad lixaad leh intii ay socotay.

    —–DHAMAAD—-

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.