Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madasha Xisbiyada Muqdisho oo ku baaqay in ay iscasilaan G.Doorashada
    Somalia

    Madasha Xisbiyada Muqdisho oo ku baaqay in ay iscasilaan G.Doorashada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay hadal-jeedintii baarlamaanka ee Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ay Madashu ku sheegtay mid xanbaarsanaa muddo kordhin loo sameeyo hogaanka dalka.

    Madasha ayaa ku eedeysay GMDQ in uu ku fashilmay in dalka laga qabto doorasho ku dhacda waqtigii loogu talogalay, sidaas darteedna ay tahay in ay iska cisilaan xilalkooda.

    Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray dhowr go’aan oo ku aaddan soo jeedintii ka soo yeertay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliima yarey. Qodobada ay soo saareen ayaa u qornaa sidan:

    1-Madashu waxey ku baaqeysaa in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinku dhamaantood is casilaan mar hadii ay lumiyeen kalsoonidii shacabka iyo saamileyda siyaasadeed ayna caddaatey iney ku milmeen hoggaanka dalka isla markaana ku fashilmeen qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda waqtigeeda dastuuriga ah.

    2-Dastuurka dalku waxuu sugayaa muddo xilleedka hay’adaha dastuuriga ah, waxaana madasha ka go’an iney ixtiraamto isla markaana ku dhaqanto dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

    3-Muddo xilleedka golayaasha sharcidajinta waxay ku egtahay 27/11/2020, mana jirto sharci u ogolaanaya iney sameystaan muddo dheereysi.

    4 -Madaxweynaha dalka muddo xilleedkiisa dastuuriga waxay ku egtahay 7/02/2021, mana jirto sharci u ogolaanaya inuu maalin dheeri ah ku darsado.Haddaba,waxay MXQku wargalineysaa hoggaanka dawladda, dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo daneysa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliyeed inaan la aqbali karin muddo dheereysi aan sharci ahayn.

    Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraalkooda kaga digay dhibaatada ka iman karta in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda, iyadoo intaa ku dartay in muddo kordhintu ay tahay mid lagu jebinayo dastuurka islamarkaana aysan xisbiyada ku mideysan Madashu marnaba ogolaan doonin, sida lagu xusay qoraalka.

    Dhinaca kale, qoraal kooban oo ay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada, Xaliima Ismaaciil ku qortay Twitter-ka ayay ku sheegtay in guddigu yahay mid madax-banaan ayna sii ahaan doonaan.

    “Howsheennu waa in aan hergelinno hannaan doorasho oo hufan, loo dhan yahay oo ay ku dhacda hab daacad ah. Muddo aad u dheer, qarankeennu waxa uu dadkiisa u diiday xuquuqdooda aasaasiga ah ee ay ku soo dooran lahaayeen musharraxa ay doonayaan,” ayay tiri Xaliima Yarey.

    Xaliima Ismaaciil ayaa ugu baaqday dhinacyadu in ay Guddiga ku garab siiyaan sidii “doorashadan taariikhiga ah looga dhabeyn lahaa. Guddigu wuxuu sii wadi doonaa inuu u hogaansamo dastuurka iyo dhammaan shuruucda kale ee dalka,” ayay tiri gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.