Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madasha Xisbiyada Qaran & Beesha Caalamka oo ku kulmay Muqdisho
    Somalia

    Madasha Xisbiyada Qaran & Beesha Caalamka oo ku kulmay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan u dhexeeyay Madaxweynayaashii hore ee Dalka ahna Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa goor-dhaweyd kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

    Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa looga hadlayey heshiiskii ay Dhuusamareeb 3 ku kala saxiixdeen Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada.

    Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Beesha Caalamka la wadaagtay walaac ku saabsan heshiiskii Dhuusamareeb lagu gaaray ee ku saabsanaa doorashada , waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in heshiiskaas laga qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda si uu u noqdo mid dhameystiran.

    Beesha Caalamka iyo Madasha ayaa sidoo kale isla gartay inay lagama maarmaan tahay in heshiiska Dhuusamareeb 3 lagu caddeeyo waqtiga ay sida rasmiga ah u dhaceyso doorashada.

    Sidoo kale waxay Beesha Caalamka iyo Madasha isla garteen in xal deg deg ah loo helo khilaafka waqtiga dheer soo jiitamayey ee u dhaxeeyo baarlamaanka Labadiisa Gole si loo ansixiyo heshiiska Dhuusamareeb 3.

    Kulanka Beesha Caalamka iyo Madasha xisbiyada Qaran ayaa kusoo aadayo xilli la hadal hayo in Beesha Caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadineyso in mar kale ay kulmaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka si loo dhameystiro heshiiska Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Punland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.