Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxii Shirkada diyaaradaha samaysa Ee Boeing Oo la eryay
    Somalia

    Madaxii Shirkada diyaaradaha samaysa Ee Boeing Oo la eryay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 24, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max.


    In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso.


    Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi.


    Shirkadda Boeing oo si kumeelgaar ah u hakineysa sameynta 737 maxShaqaalaha Boeing oo la sheegay in ay sii ogaayeen cilladda haysata nooca 737 MaxShirkaddaasi Boeing ayaa baaritaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya.


    Isticmaalka diyaaradaha nooca 737 Max ay markiiba la hakiyay dunida oo dhan.


    Dhammaadkii bishii Septembar ee sanadkan, baaritaan la sameeyay ka dib waxaa lagu ogaaday in diyaaradaha nooca Boing 737-ng lagu arkay dildillaac qaybaha sare ee diyaaraddaasi.


    Marki uu warkaasi soo if baxay wixi ka dambeeyey wakaaladda ammaanka diyaaradaha u qabilsan dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737-ng baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo.


    Wakaaladda dalka Mareykanka u qaabilsan dabagalka duullimaadyada ayaa sheegtay “diyaarado in mudda ah shaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo in lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore ee diyaaradaha”.


    Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkay calaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyey.


    Balse waxay khubaradu sheegeen inaan diyaaradahan laga helin cilladdi sababta u noqotay iney laba diyaaradood oo uu noocoodu yahay Boing 737 iney burburaan.


    Shirkadda Boeing waxay sheegtay shirkadaha diyaaradahan isticmaala iney xogaha diyaaradahaasi ku saabsan ay soo gaarsiiyeen balse ay sheegin wax cillad oo ay kala kulmeen inti ay diyaaradahaasi adeegsanayeen.
    Balse Shirkadda Boeing ma aysan sheegin inta diyaaradood ee ay cilladdaasi ay ka baareyso.


    Shaqaalaha shirkaddaasi ayaa sidoo kale sida la sheegay sanadkii 2016 isu diray farriimo ku saabsan cillad ay ku arkeen diyaaradda nooca 737 Max oo ahayd noocii labada jeer galaaftay nolasha boqolaal qof.


    Dukumeentiyo qoraal ah oo shirkaddani Boeing ay ku wareejisay garyaqaannadeeda ayaa muujinayay in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddaasi uu sheegay in dhibaato aan horey loo sii shaacin uu la kulmay xilli uu tijaabinayay diyaaraddaasi.


    Waxa uu sheegay in “isaga oo aan is ogayn” uu been ugu sheegay hay’adda ilaalisa badqabka diyaaradaha ee Mareykanka.


    Cillad dhanka hannaanka badqabka ee diyaaraddaasi ayaa lala xiriirinayaa laba shil oo ay ku dhinteen 348 qof.


    Shilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku burburay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo nooceedu ahaa 737 Max, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof.


    Diyaarad kale oo isla noocaasi ah oo laga leeyahay dalka Induniisiya ayaa iyana bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 ku dhacday badda wax yar uun ka dib markii ay ka duushay garoon ku yaal Jakarta. Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay 189 qof oo saarnaa diyaaraddaasi.


    Maamulka Duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa macluumaadkani ku saabsan in cillad lagu arkay nooca diyaaraddaani xilligii ay tijaabo ku jirtay ku tilmaamay mid walaaceeda leh, waxa uuna sheegay in uu sharraxaad deg deg ah ka dalban doono shirkaddaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.