Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxtooyada Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada PL
    Puntland

    Madaxtooyada Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada PL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 2, 2024Updated:August 2, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 01 August 2024. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo caawa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada.

    Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa taariikhiga ah caawa ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday.

    “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay.

    Munaasabadda ayaa sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Qunsulka Dowladda Itoobiya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

    – DHAMMAAD –

    XAFIISKA WARFAAFINTA
    MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.