Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxwayne Gaas oo ka hadlay duqaynta Daacish iyo xirnaashaha Dekedda Bosaso (Xog)
    Somalia

    Madaxwayne Gaas oo ka hadlay duqaynta Daacish iyo xirnaashaha Dekedda Bosaso (Xog)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay Idaacadda iyo Tv-ga BBCSomali, ayaa ka hadlay arimo la xiriira heshiiskii ay wada galeen Ethiopia, duqaynta Daacish iyo muranka taagan Dekedda Bosaso.

    • Heshiiska Ethiopia iyo Puntland.

    Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia oo hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi ay kala sixiixdeen, in la dar-dar galiyo heshiisyadii horay ay u galeen, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen, arrimo la xiriira iskaashiga ganacsi, dhaqalaha,  amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda argagixisada.

    “ Majirto wax heshiis cusub oo aan kala saxiixanay, lakiin wixii horay looga wada hadlay fulintoodii iyo meel-marintoodii iyo dhamaystirkoodii weeye, hadan runti si culus ayuu u cusleeyay Ra’iisul wasaaruhu, in howshaasi la dhamaystiro lana dar-dargaliyo”

     

    • Duqaynta buuraha Gal-gala.

    Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaa-laysanaya buura galayda Gal-gala.

    “ Waad la socotaan muddo asbuuc ka hor ah, ciidamadeena PSF, PMPF iyo ciidanka daraawiishtu, guluf ayay ku qaadeen meeshaas, ka bacdiina waatan duqayntu ay ka dhacday, waxaan is leeyahay waa oborayshin [ Howl-gal] wax ku oola, wayna fiican tahay in la soo afjaro lana yareeyo dhibta ay ku hayaan dalka”

    Wariyaha BBCSomali- Puntland Axmed Cawil oo waraysayay Madaxayne Gaas ayaa waydiiyay inay jiraan in howl-galkaasi lagu dilay madaxda Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaalanta Buuraha Gal-gala.

     

    “ Ma maqal shaqsiyaadkii ugu waayayna dhimashadooda, lakiin waa naloo sheegay in nin kamida madaxdooda lagu dilay meesha, weli oborayshinku [ Howl-gal] wuu socondoona ayay ila tahay”

     

    Gaas waxaa uu ka gaabsaday cidda qaadaysa masuuliyadda dadka waxyeeladu ka soo gaarto duqayntaasi.

    “ Maba hayno wax dhiba oo hadda dhacay iyo cid shacaba oo wax gaareen, markay timaado ayaana ka hadlaynaa”

     

    • Muranka Dekedda Bosaso

    Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in muranka dekadda ay keeneen dad aan doonayn horumarka Dalka, xukuumadiisu ay ka warqabto.

    “ Waad taqaaniin cidda had-hadlay ee meelaahas ordaya, ma ahan ganacsato dhaba, waxaa weeye dad fitno iyo shiddo ka shaqaynaya, horumarka dalka waxaan leeyahay halaga shaqeeyo, anaguna wanaag ayaan rabnaa”

    “Waxaan Ethiopia u aaday waa dan ganacsato ee ma ahan dan uu Cabdiweli leeyahay, waxaan ka shaqaynaa waa ganacsiga oo horumara iyo dalka oo horumar hela iyo dekedda oo la balaariyo wanaagaas ayaan ka shaqaynyaa, waana in laga fekero, mustaqbalka wiilashooda iyo jiilkooda soo socda…. Hadii ay horumarka hor istaagaan wax saxa ma ahan lagana yeeli mayo”

    Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la kordhinayo lacagta laga qaado ganacsatada, ayna saxan tahay in bixiyo.

    “ Lacagta waa la kordhinayaa sababtoo ah 306 Milyan ayaa la galinayaa [ dhismaha dekedda ayuu ula jeedaa] … waana wax sax ah in wax la kodhiyo ,  qofka maalka gashanaya meesha, waa in maal-gashigiisii wax uga soo laabtaan ayuu rabaa … Marka waxa la kordhinayo waad ogtihiin, taraafi xitaa dhaba ma ahan marka loo eego… Xamar iyo Berbera, khidmad saxa xitaa ma aha waxa ay ka qaylinayaan— Insha Allah waa ay iska dhamaanaysaa”

     

    Xuquuqda Xogta: BBCSomali.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.