Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael Keating.
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael Keating.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 7, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael Keating.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 07-Feb-2018 waxa Kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating.

    Madaxweynaha dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa shirka Amniga qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho, iyo sidii looga qayb qadan laha adkeynta amniga Soomaaliya iyo in la helo ciidan qaran oo la wareega dhamaan amniga soomaaliya.

    Dhinca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo buxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaliyeed.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Danjire Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay doorashooyinka Puntland iyo sidii ay waqtigooda ugu qabsoomi lahaayeen iyo sidii Puntland loogu jiheen lahaa hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod, kaasi oo ah waddada kaliya ee loo mari karo in la helo xasilooni iyo daganashio siyaasadeed oo dhabaha u xaadhi karta hormar.

    Danjire Michael Keating ayaa dawaladda Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay Nabada, iyo xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara colaadaha soo noq noqday ee ka jiray qayba ka maida gobolka Mudug,sidoo kalana Danjire Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in la tix galiyo lana ix tiraamo wada nolanshaha iyo isdhex galka bulshada.

    Ugu danbeen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa calamka uga mahad celiayay dawrka muhiimka ah oo ay ka qaadato arimaha soomaliya kulana dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii soomaaliya cagaheeda isgu taagi lahayd uguna yeelan lahay dawr muuqda beesha caalamka.
    .

    =DHAMMAAD=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.