Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo Dhoweeyey magaalada Baydhabo.
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo Dhoweeyey magaalada Baydhabo.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 13, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 13 May 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland oo ka degay galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan.

    Ujeedka safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya, islamar’ahaantaana looga hadli doono, arimaha siyaasada, awood qaysiga khayraadka iyo amaanka guud ee Soomaaliya.

    Dhinca Kale Madaxweymaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warabaahinta lahadlay ayaa sheegey inuu magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed uu u yimi ka qayb galka shirka Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya.

    “Waan ku faraxsanaha inaan Baydhabo janaayo nimaadno, shirkani waxa uu muhiim u yahay Dowladnimada Soomaaliya, wuxuu muhiim u yahay Nabadda, dimuqraadiyada, isku talinta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, dalkaan waxaa uu ubaahanyahay in la hore mariyo, la xasiliyo, laga wada shaqeeyo xorayntiisa, waxaa laga wadahadlyaa ajandayaasha aad aragteen oo noqon doona miro dhal, oo hadii ay miro dhalaan noqon doona talaabo horay loogu qaaday dowladnimada Soomaaliya, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan nimaano Baydhabo Janaay, markale waad mahadsantihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Ugu Danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo wuxuu ka qaybgeli doona shirka looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan oo diiradda si gaar ah loogu saari doono awoodaha iyo Khayraadka.

    =DHAMMAAD=

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.