Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Booqdey Dhaawicii Ciidamada Difaaca Puntland.
    Somalia

    Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Booqdey Dhaawicii Ciidamada Difaaca Puntland.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 17, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 May 2018 waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland.

    Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Dhaawaca ciidanka difaaca Dowladda Puntland ee madaxweynaha Dowladda Puntland uu ku booqdey Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Dowladda Puntland iyo malayshiyaadka maamulka la magac baxay Soomaaliland, dagaalkaas oo ka dhacay duleedka magaalada tukaraq taariikhdu markay 15 May 2018.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qaysaday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in ย ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, islaโ€™marahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa aha, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda hooyo, welibana uu Allaah uga baryey in intii dhimatay oo dalkooda u shahiidayna uu Illaahay janadiisa kawaraabiyo.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha Hospitalka Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Dowadda Puntland, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.

    =DHAMMAAD=

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.