Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Fadaraalka oo si adag uga hadlay laynta Shacabka Ee argagixisada
    Somalia

    Madaxweynaha Fadaraalka oo si adag uga hadlay laynta Shacabka Ee argagixisada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2022Updated:October 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Oktoobar 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay shanti cisho ee la soo dhaafay si wada jir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka tarjumaysa dhibaatada iyo xanuunka khawaarijtu ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban.

    “Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyey, maatada la gumaaday, dhammaan lacagta aad bixisaa qeyb ka ah ogoow, qofkii Alshabaab lacag siiyoow”.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada khawaaarijta Alshabaab, taas oo daaha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suubban ee Islaamka.

    “Maanta ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee argagixisada Alshabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirgaleyso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa”.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo ee kooxdan khawaarijta ahi kula beegsadeen Soobbe in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.