Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka
    Somalia

    Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 22, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.
     
    Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla Qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday Magaalada Muqdisho 14 kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.
     
    Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta Dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka Dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.