Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubaland oo daahfuray Sharciga dhismaha dawladaha hoose
    Somalia

    Madaxweynaha Jubaland oo daahfuray Sharciga dhismaha dawladaha hoose

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.
     
    Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Dowlada Xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay.
     
    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanankan cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya, gaar ahaan in uu meesha ka saarayo awoodii halka meel kaliyah taalay oo kobac dhaqaale iyo mid maamulba uu abuurayo.
     
    Dhinaca kale Axmed Maxamed Islaam wuxuu ka digay in hanankan aan loo arkin mid hab beeleed awooda loo qaybsanayo, isla markaana dadka looga baahan yahay in ay soo doortaan dad wanaagsan oo wax u qaban kara.
     
    “Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qoyskiisa ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.
     
    Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan, isla markaana ay ka fogaadan wax walba oo bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.
     
    Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Taageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya, wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hanaanka Dowliga ah ee Dalka ka jira.
     
    Beesha Caalamka ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka wadaan, balse wuxuu xusay in taas aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.