Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo, kana hadlay Shirkii Dhuusamareeb (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo, kana hadlay Shirkii Dhuusamareeb (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 24, 2020Updated:July 24, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

    Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha oo Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad celiyay Xukuumada iyo shacabka Galmudug sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii kala duwanayd ee ka qaybgashay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan halkaas lagu soo gaba gabeeyay.

    https://www.facebook.com/347322282075346/posts/1790825711058322/

    Waxaa uu Madaxweynahu xusay in wada hadalada iyo kulamada noocan ah oo la joogteeyo ay wax badan ka garayso in loo jihaysto Doorasho la isku raacsan yahay in dalka ay ka dhacdo taas oo hada laga wada shaqaynayo sidii shirarka iyo kulamada arintan lagaga tashanayo ay usii socon lahayeen isla markana hada gudiyo loo saari doono in ay diyaariyaan waxyaabaha diirada lagu saarayo kulanka soo socda ee ka dhacaya Dhuusomareeb.

    Madaxweynahu wuxuu sheegay in Doorashada oo xiligeeda ku dhacda ay wax badan ka tarayso geedi socodka Siyaasada iyo hormarka dalkeena isagoo xusay in mudo kororsi ama xiliga Doorashada oo dib loo dhigo ay ka dhalanayso caqabado aan xalkoodu sahlanayn.

    Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in si qoto dheer looga wada hadlay khilaafka ka dhexjiray Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland isla markana la is tusayo in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta iyo sidoo kale in la dhamayn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo dadka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in howshaas ay ku gacan siiyaan masuuliyiintooda isla markana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.

    Khilaafka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in laga shaqaynayo sidii xal looga gaari lahaa kahor shirka Dhuusomareeb ee soo socda isla markana farsamo ahaan la bilaabay sidii looso afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray.

    Madaxdii kala duwanayd ee kulanka Dhuusomareeb ka qaybgashay ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay uga go’nayd in la helo hanaan Cusub oo dib loogu bilaabi karo shirarka noocan oo kale ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.