Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Shacabka Boosaaso, baaqna u diray (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Shacabka Boosaaso, baaqna u diray (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020Updated:January 19, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.

    Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka dadkii Aas Aasay Goobaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacada bariga Afrika oo wakhtiyo adag soo garab istaagay Shacabka Soomaaliyeed iyadoo dhinac walba uu dalku ka burburay waxa kaliyah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku fara adaygeen ay tahay tacliinta sida uu Madaxweynahu sheegay.

    Waxaa Madaxweynahu uu xusay in Waxbarashada dalku uu Wali u baahan tahay in lasii hormariyo si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo dhisan oo aduunka la jaan qaada waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay dadaalka dheeri ah si Dhalinyarada waxbaratay shaqo abuur loogu helo.

    https://www.facebook.com/826003914191316/videos/521253988486872/

    Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Xiriirka Puntland iyo Jubbaland isagoo sheegay in uu yahay mid taariikhi ah oo labada shacab ay waxyaabo badan wadaagan loona baahan yahay in taas lasii xoojiyo iyadoo xooga la saarayo Hormarka dhaqaalaha amaanka iyo Siyaasada.

    Shacabka Puntland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen walaalahood Jubbaland wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen taas oo ah wax looga baahan yahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inay ku midooban sidii ay gacmaha isku qabsan lahayeen.

    Arimaha Siyaasada ayuu Madaxweynahu sheegay in Puntland iyo Jubbaland labaduba ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Dowlada Federaalka ah balse taas ay ka horayso in la dhowro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala oo qofna aan laga ogolaan inuu siduu doono u dhigo Arimaha Siyaasada dalka ayuu Madaxweynahu sheegay inay u baahan tahay wadajir iyo aragti midaysan oo wax lagaga qabanayo baahiyaha taagan taasna lagu gaari karo wada hadal iyo isku tanaasul.

    Amaanka ayuu Madaxweynahu Shacabka Gobolka Bari ugu baaqay inay kala shaqeeyaan Xukuumada Puntland si dhibaatada Argagixisada meesha looga saaro taas oo lagu heli karo in Hay’adaha amaanku ay tageero k helaan shacabka.

    Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu xusay in nidaamka Federaalku uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira hadii siduu yahay loo dhaqan galiyo waxaa uu intaas ku daray in hanaanka daadajinta maaamulka iyo in Adeegyada Dowlada meelaha Hoose la gaarsiiyo faa”iidadeeda ay arkeen Shacabka Puntland loogana baahan yahay inay ilaashadaan oo ay sii adkeeyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.