Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma Oo aqbalay is casilaadii loosoo jeediyay
    Somalia

    Madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma Oo aqbalay is casilaadii loosoo jeediyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 7, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo.
     
    Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen miro wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma.
     
    Sidoo kale baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xiriira mustaqbalka madaxweynaha.
     
    Mar sii horeysay oo shalay ahayd hay’adda Nelson Mandela ayaa ugu baaqday in uu Zuma is casilo, iyada oo sheegtay in intii uu xilka hayay dalka uu ka dhacay boob culus oo hantida dadweynaha loo geystay.
     
    Haddii uu diido go’aanka ANC ee ah in uu is casilo, waxa uu luminayaa aqlabiyadda baarlamaanka, si sahlan ayaana codka kalsoonida loogu qaadi karaa baarlamaanka dhexdiisa, sidaasna uu xilka uga dagi karaa.
     
    Xisbiyada mucaaradka ayaa dhawr jeer Zuma ka keenay mooshin, balse markasta tirada badan ee xildhibaanada ANC ayuu kaga badbaadayay codkaas.
     
    Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Zuma uu codsaday in damaanad laga siiyo in lagu soo oogi karin wax dacwad ah.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.