Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo cafis u fidiyey dadka loo haysto dembiyada Daroogada
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo cafis u fidiyey dadka loo haysto dembiyada Daroogada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku dhawaaqay tallaabooyin fulineed oo looga dan leeyahay in wax ka bedel lagu sameeyo mowqifkii dawladda ee Maraykanka ee la xidhiidhay isticmaalka “Marawaanada” Marijuana.

    Illaa 19 gobol oo Maraykanka ah ayaa ogol in Marijuana loo isticmaalo faakihaysi ama ay si rasmi ah ay sharci uga tahay, halka ay jiraan gobollo kale oo ogol in daawo ahaan loo isticmaalo, iyo gobollo kale oo ay sharci darro ka tahay in la isticmaalo, laga ganacsado ama la haysto Marijuana-da.

    Waxaa xabsiyada Maraykanka ku jira, kumanaan qof oo ay ku dhaceen xukunno la xidhiidha isticmaalka, haysashada ama ka ganacsiga “daroogada” Marijuana.

    Fariin muuqaal ah oo la duubay, ayuu madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay inuu soo saaray amar fulineed oo cafis loogu fidinayo dhammaan dadkii loo haystay dembiyada fudud ee heer federaal ee la xidhiidhay arrintan. Cafiskan ayay ka faa’iidaysanayaan in ka badan 6,500 oo qof oo Maraykan ah, sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad ee dalka Maraykanku.

    Laakiin waxay sheegeen in inta badan dadka ay ku dhaceen xukunnada la xidhiidha daroogada Marijuana inay yihiin heer gobol, taas oo madaxweyne Biden uu ugu baaqay guddoomiyayaasha gobolladu inay cafis u fidiyaan dadka loo haysto dembiyada la xidhiidha Marijuana ee ku jira xabsiyada heer gobol.

    Biden ayaa sidoo kale Khamiistii amray in dib u eegis lagu sameeyo, shuruucda heer federaal ee la xidhiidha Marijuana.

    “Sida aan idhi markii aan u tartamayey doorashada madaxweynaha, qofna waa in aan xabsiga loogu hayn isticmaalka ama haysashada marijuana,” ayuu Biden ku yidhi hadal uu soo saaray. “Arrintani waa ka sharci gobollo badan, hase ahaatee diiwaannada dambiyada ee dadka ay ku dhaceen ama loo xidhay Marijuana waxay caqabad ku noqotay kuwa taagta daran, gaar ahaan marka ay shaqo raadsanayaan, marka ay guryo raadsanayaan iyo marka ay fursado waxbarasho raadsanayaan.” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

    Madaxweyne Biden ayaa sheegay “inkasta oo dadka caddaanka ah iyo kuwa madowga ahiba ay isku si u isticmaalaan [Marijuana], haddana dadka madow iyo bulshooyinka kale ayaa la xidhaa, la maxkamadeeyaa isla markaana lagu xukumaa heerar aan loo sinayn”.

    Saraakiisha sarsare ee maamulka madaxweyne Biden ayaa u sheegay warbaahinta in madaxweynuhu uu weli taageersan yahay in la xakameeyo ka ganacsiga, suuqgeynta iyo iibinta ay ku lug leeyihiin dadka da’yarta ahi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.