Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo Erayo xoog badan ku canbaareeyay Putin
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo Erayo xoog badan ku canbaareeyay Putin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 22, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.

    Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.

    “aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

    “Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”

    Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeedhay dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.

    “Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la’aan ah inaan isticmaali doonno dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruushka iyo dadkeenaba – tani maaha kaftan” ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefiishanka.

    Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay “hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii lagu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taas oo heshiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.