Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo gaaray Dalka Japan
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo gaaray Dalka Japan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan. Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.

    Biden ayaa labo maalmood oo aad u mashquul badan halkaas ku joogi doona. Maalintii Isniinta ah waxa uu la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito. Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan. Waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad.

    Biden ayaa ka degay gegida dayuuradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla duleedka Tokyo, ka dib labo maalmood oo uu ku soo qaatay dalka K. Koonfureed. Socdaalka K. Koonfureed ayaa ahaa mid hoosta ka xariiqaya in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu dhaqaale galiyo gobolkaas.

    Saraakiisha Maraykanka ayaa sii saadaaliyey in K. Woqooyi ay tijaabin doonto gantaalada hubka nuclearka qaadi kara iyo bambooyin inta madaxweynaha Maraykanku uu gobolka booqanayo. K. Woqooyi ayaa iska dhago tirtay dadaal ay Washington ku doonaysay inay xiriir kula sameyso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.