Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo gaaray xuduuda Ukrain
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo gaaray xuduuda Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link


    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bogaadiyay jawaabta Poland ay ka bixisay dhibaatada qaxootiga ee ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukraine, xilli uu booqasho ku tagay Poland Jimcihii.

    Mareykanka ayaa sheegay in Ruushku uu u muuqday inuu ka weeciyay weerarkii militari ee uu ka waday caasimadda Ukraine ee Kyiv oo uu u jiheystay dhanka bari.

    Biden ayaa jimcihii la kulmay shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimada ee Poland iyo ciidamada Maraykanka meel u dhow xadka Ukraine.

    “Waxaad dhexda kaga jirtaan dagaalka u dhexeeya dimuqraadiyadda iyo kuwa kasoo horjeeda ee Ruushka,” ayuu yiri Biden mar uu saldhigga Rzeszów kula kulmay xubno ka tirsan Ciidanka Maraykanka qeybta 82-aad ee hawada, kuwaas oo taageeraya kumannaan kale oo ka tirsan ciidamada NATO ee ku sugan waddamada bariga Yurub sida Poland, Lithuania, Latvia, Estonia, Bulgaria iyo Romania.

    “Waxaad tihii xoogga dagaalka ee ugu wanaagsan adduunka, taasina maaha mid buun-buunin ah,” ayuu yiri Biden kahor inta aanu la cunteyn ciidamada Mareykanka.

    Saraakiisha Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa sheegay Jimcihii in inkasta oo ay tiro badan yihiin ciidamada Ruushku ay haddana ku adkaatay sii wadista dagaalka Ukraine, taas oo keentay isbeddel istiraatiiji ah.

    “Waxaan u maleyneynaa inay isku dayayaan inay gooyaan aagga Donbas,” ayuu suxufiyiinta u sheeagay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Maraykanka oo qariyay magaciisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.