Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu ka baxay isbitaalka
    Somalia

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu ka baxay isbitaalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu ka baxay isbitaalka oo uu dib ugu laabtay Aqalka Cad.

    Ku dhawaaqidiisu waxay timid waxyar uun ka hor shir jaraa’id oo uu la yeelanayo dhakhaatiirtiisa.

    Madaxweynaha waxaa uu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay aad uga wanaagsantahay sidii u ahaa labaatan sano kahor.

    Mr Trump wuxuu sidoo kale difaacay go’aankiisa uu cisbitaalka uga baxay si uu usoo salaamo taageerayaashiisa bannaanka hore ee cisbitaalka ku sugnaa habeenkii axada halkaas oo looga dabiibayay Covid-19, waxaa uuna sheegay in haddii sidaas uusan sameyn lahayn ay saxaafada ugu yeeri lahayd mid aan naxariis lahayn.

    Khubarada caafimaadka ayaa su’aal ka keenay go’aanka Donald Trump uu uga soo baxay cisbitaalka si uu u salaamo taageerayaashiisa, iyadoo gaari u ku maray banaanka hore ee isbitaalka looga dabiibay cudurka Covid19.

    Waxaa jira walaac laga qabo in madaxweynaha Mareykanka, oo xirnaa af-saab ama marada afka lagu xirto, laga yaabo inuu halis geliyay ilaalada Madaxweynaha ee loo yaqaano Secret Service kuwaas oo gaariga la saarna.

    Afhayeenka Aqalka Cad, Judd Deere ayaa sheegay in safarkii Axaddii “ay kooxda caafimaadka “ansixiyeen ayna ku tilmaameen mid nabdoon oo badqab ah”.

    Su’aala ayaa wali ku gadaaman xanuunka Mr Trump ka dib markii hadallo is khilaafsan ay soo baxeen dhammaadkii usbuuca.

    Isaga oo la hadlayay telefishanka Fox News, madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows waxaa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay goor dambe go’aansan doonaan in madaxweynaha laga saari doono cisbitaalka Walter Reed iyo in kale, oo ku dhow Washington.

    Mr Meadows wuxuu sheegay in uu mar sii horeysay uu la hadlay Mr Trump, xaaladdiisuna ay u muuqato mid kasoo reynaysay habeenkii saddexaad ee cisbitaalka uu ku jiray. Madaxweynaha ayaa fiidnimadii jimcaha loo qaaday isbitaal saacado kadib markii uu shaaciyay in laga helay cudurka korona.

    Mar sii horreysay, xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany, ayaa noqotay qofkii ugu dambayay ee ka agdhow Madaxweyne Trump ee laga helo cudurka coronavirus. (Laba xubnood oo kale oo ka tirsan kooxda warbaahinta ee Aqalka Cad, iyo qaar ka mid ah weriyeyaasha, ayaa sidoo kale laga helay cudurka korona.)

    Ilaa haatan cudurka Covid19 waxaa uu dalka Maraykanka ku soo ritay in kabadan 7.4 milyan oo qof waxaana fayraska u geeriyooday ku dhawaad 210,000 oo qof oo Mareykan ah, sida laga soo xigtay jaamacada Johns Hopkins.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.