Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe oo fariin udiray reer Gedo
    Somalia

    Axmed Madoobe oo fariin udiray reer Gedo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2020Updated:October 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo, 06, Oct, 2020- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

    Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay Markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo ilaa hada guulo la taaban karo laga gaaray.

    Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

    Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo ay tahay waxa ilaa hada uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa isla markana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan Dowlada Federaalka balse ilaa hada ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin.

    Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka Degmada Afmadow isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada Degmooyinka kale gaar ahaan Gobolka Gedo

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jigaysa wadada Hormarka.

    Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo ayna Gobolka tagin Maamulka Gobolka Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin Gobolka ayna dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbogaareey.

    Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Jubaland shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland.

                     DHAMMAAAAD.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.