Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»MADAXWEYNAHA OO MAGAALADA GAALKACYO KA DAAH-FURAY TALLAALKA CARUURTA.
    Puntland

    MADAXWEYNAHA OO MAGAALADA GAALKACYO KA DAAH-FURAY TALLAALKA CARUURTA.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 12, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: 12 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka, Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku amaanay sida adeegyada Caafimaadka Puntland uu yahay mid baahsan oo gaarsiisan dhammaan deegaannada Puntland.

    Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood ka socon doona muddo 7 cisho ah, waxaana ka shaqeyn doona 20 kooxood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad kuwaasi oo si wanaagsan aqoon ugu leh tallaalkan.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee heer degmo iyo Gobol iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

    – DHAMMAAD –

    XAFIISKA WARFAAFINTA
    MADAXTOIYADDA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.