Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND.
    Somalia

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 19, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

    Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

    Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

    Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

    Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland

    Wuxuu Xeeriyey:

    Magacaabid

    1. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
    2. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

    Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.