Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIYADA LABADA GOLE EE KA SHAQEYNAYAY GOBOLKA MUDUG.
    Puntland

    MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIYADA LABADA GOLE EE KA SHAQEYNAYAY GOBOLKA MUDUG.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Galkacyo : 05 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa warbixinta shaqooyinka laga qabtay Gobolka Mudug ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee ku sugan Gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo Hay’adaha Madaxa banaan, Saraakiisha Laamaha Amniga, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

    Waxaa Madaxweynaha lala wadaagay shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah:

    1. Amniga iyo sida looga shaqeeyay degmada Gaalkacyo oo ay bulshadu boggaadisay lagana dareemay iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo Amniga oo isagoo qoraal ah lala wadaagay Madaxweynaha .

    2. Nabadeynta iyo xallinta Colaadaha soo noqnoqday ee ka dhaca Gobolka Mudug.

    3. Qorshaha biyaha looga saarayo magaalada oo ay guddiga loo xil saaray soo bandhigeen iyadoo qiimeyntii iyo wixii farsamo ah ee loo baahanyahay lasoo diyaariyey.

    4. Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka, iyadoo la dhisay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariban howsheedu socoto.

    5. Dhismaha Waddooyinka.

    * Waxaa xariga laga jaray wejiga koowaad ee Wadada Laamiga ah ee bartamaha magaalada marta iyadoo qeybaha kale ee Wadada la qorsheeyay in la billaabo.

    * Waxaa la qorsheeyay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo.

    * Waxaa la saxiixay Heshiiska dib-u-dhiska iyo dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland oo ay wada galeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha dhisaya.

    Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay oo ah ujeedooyinkii Wafdigu u yimi Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan si loo dhameystiro muddada lagu suganyahay gobolka Mudug.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.