Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KULMAY AQOON-YAHANKA G. MUDUG.
    Puntland

    MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KULMAY AQOON-YAHANKA G. MUDUG.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 12, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo; 12, Agoosto,2024:
    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay aqoon-yahanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Kulanka Madaxweyne Deni iyo aqoon-yahanka ayaa looga hadlay adkaynta Amniga iyo xasiloonida, iyadoo la adeegsanaayo aqoon iyo caqlisaliima oo waaqici ah, hindisaha qorshe looga gudbo caqabadaha sababa Amnidarada, ololaha aqoon-yahanka ee ku wacyi-gelinta bulshada muhiimadda nabadda, horumarka iyo koncinta garaadka iyo hirgelinta hub ka dhigista bulshada, si looga gudbo waxyeeladiisa.

    Sidoo kale kulanka oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa looga hadlay hirgelinta mashaariic horumarineed oo laga dhaxlo fursado shaqo, dhismaha Cisbitaal caalami ah oo daboola baahiyaha caafimaad ee bulshada iyo diyaarinta qorshaha maaraynta qashinka iyo biyaha magaalada (sewage system plan).

    Aqoon yahanka gobolka Mudug ayaa dhankooda kulanka kusoo bandhigay daraasado ay ka sameeyey, sidii xal waara loogu helilahaa Amniga gobolka, loo dhisilahaa garaadka iyo waaqica bulshada, loo helilahaa fursado maangal ah oo bedela wax-yaabaha sababa caqabadaha jira iyo nabaddu muhiimadda ay u leedhaay dalka iyo dadka, si guud iyo si gaar ahba shacabka gobolka Mudug.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/08/An-8x-s4rg8ex-oNLB6QcxPtedmJPnBKsgysoLCdPQ-4Q6AQhZWD45ccC2Cvyz1a2sPxOUOFD_kG8cED_AcrMvfT.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.