Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ย Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax.
Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 โ 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax.
Madaxwaynaha Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo
Wuxuu Xeeriyay :
1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax.
2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax.
3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna
Saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND