Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland:”Qaadashadda Federaalisimku Waa Talaabo Ay Soomaaliya Horay U Qaaday”
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland:”Qaadashadda Federaalisimku Waa Talaabo Ay Soomaaliya Horay U Qaaday”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 5, 2017Updated:December 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay maalintii labaad shirka Madaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

    Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, ergayga gaar ka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, danjirayaasha waddamada shisheeye, Saraakiil ka socdey AMISOM, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS, xeeldheerayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland oo Khudbad muhiima ka jeediyey shirka horaantiisii ayaa sheegay in qabyo tirka geeddi-socodka dastuurka Soomaaliya aanu  dhameystirnayn, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu inay jiraan qodobo muhiima oo u baahan in si wadajira loo dhugto kuwaas oo ay ka mid yihiin fadaraalisamka, khayraadka dalka, doorka DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, waxaana Madaxweynuhu uu hoosta ka xariiqay in wada xaajoodka ku saabsan arrimahaasi weli aan la dhamaystirin.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay muhiim in xil la iska saaro dhamaystirka dastuurka Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey Madaxda Soomaaliyeed in dastuurka si xalaala loo gunaanado, isla mar’aahaantaana waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dastuurku yahay asaaska sida guri aan ku dhex nool nahay oo kale,

    Dhinaca kale Madaxweyne dawladda Puntland ayaa sheegay si looga soo kabto dagaalkii sokeeyo in loo baahan yahay in lasameeyo qodobo ay kamid yihiin

    1.      hay’adaha maamulka dalka oo dib loo dhiso, loo baahan yahay in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah.

    2.      xukunka sharciyada, mabaadii’da cadaaladda iyo sinaanta oo iyana lagu saleeyo sida ku xusan diinteena Islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan.

    3.      Shacabka oo la wacyigeliyo, loona sameeyo shaqo abuur, cadaalad, sinaan iyo wanaajinta masuuliyadda.

    Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in qaadashada fadaraaliisamku ay tahay talaabo ay Soomaaliya hore u qaaday, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inay dawladda dhexe ee Soomaaliya u madaxbanaan tahay masuuliyaddina ka saaran tahay arrimaha Ciidanka, Difaaca Qaranka, Siyaasadda Soomaaliya,  Socdaalka  [immigration] iyo Dhalashada [Naturalization], iyo sidoo kale Siyaasadda arrimaha Dibadda.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in talaabo kasta oo hore looqaado iyo caqabad walba oo timaada ay tahay cashar laga baranayo nidaamka fadaaraliisamka, waxaana uu Madaxweynaha dawladda Puntland ku booriyey Madaxda qaran ka Soomaaliyeed in aan laga daalin dedaalka loogu jiro horumarinta qaranimadeena iyo halganka dib u xasilinta dalka.

    www.idilnews.com.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.