Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynahaa Dowladda Puntland oo Hambalyo U diray Dhammaan ummadda Soomaalyeed.
    Somalia

    Madaxweynahaa Dowladda Puntland oo Hambalyo U diray Dhammaan ummadda Soomaalyeed.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 26, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynahaa Dowladda Puntland Hamblyo oo diray ku aadan 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed.
    Madaxweynahaa Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Taariikdu tahay 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbka gobolada Waqooyiga Soomaaliya, maalintaas oo ay ka soo wareegtay sanad guuradeeda 58 sano kuna weyn umadda Soomaaliyeed dhammaantood.
     
    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba, Madaxweynaha oo ka hadlya maalintaas ahmiyadeeda waxaa uu yiri.
     
    “Waxaan maanta oo ah 26 june 2018 aan rabaa in aan halkaan hambalyo uga diro dad weynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, gaar ahaan shacab weynaha gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo ah maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago gayiga Soomaaliyeed oo maanta ay kasoo wareegtay 58 sano, calankaas oo loosoo maray dhib badan, xoriyadaas oo qarniyaal iyo sanado tira badan ummada Soomaaliyeed ay u hurtay dhiig iyo dhacaan in ay noqdaan dal xor ah, xoriyad taama hela aayohooda ka tashada, waxaan u dirayaa hambalyo dadkaas meel kasta oo ay joogaan, waxaa larabaa in aan is xasuusino calanka maalintaas lataagay waxa uu ahaa calanka baluuga ah ee cirka u eg, dhexda xidigta cad ee shanta geesood leh ku leh, ma ahayn calan kale kaas ayuu ahaa waxaan rabnaa inaan dadka u sheegno kuna baraarujino ,
     
    Waxaan rajeenaynaa idin Alle wakhti aan dheerayn in Soomaaliya isku timaado, midnimadeedii iyo wadajirkeedi ay isku soo laabato, karaamadeedii, sharfteedii iyo Dowladdnimadeedii oo taama ay wakhti dhow dib u hesho aayaan rajeenayaa Inshaa Allaah, farxad ku ciida sanadkan sandkiisa kale, waxaan ku gaaraynaa wadajir, midnimo iyo Soomaalinimo dhaba Inshaa’Allaah.
     
    Ugu danbeyn Madaxweynahaa Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hamablyo u diray Shacabka iyo Madaxda Dalka aan walaaha nahay ee Jabuuti oo ay maalinta berrito ah a ay ku beegan tahay sanad guuradii 41 ee xornimada Dalaka Jabuuti.
     
    -DHAMMAAD-
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.