Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya oo heshiis wada gaaray
    Somalia

    Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya oo heshiis wada gaaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 15, 2022Updated:July 16, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa war-mrtiyeed wadajir ah kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

    Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu maanta Kenya ku tegay casuumad rasmi ah oo uu ku helay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta

    Kadib wada-hadallo ay yeesheen ayey labada madaxweyne isku raaceen 11 qodobo oo la xiriira xoojinta xiririkada labada dal.

    Qodobadaasi ayaa waxaa ugu weyn in labada madaxweyne ay dib u xaqiijiyeen inay ka goโ€™an tahay dagaalka ka danka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo guul laga gaaro, waxayna fareen hayโ€™adaha amniga labada dal inay isku xiraan dadaalladooda ku aadan dagaalkan, si loo xaqiijiyo amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta labada dal.

    War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada madaxweyne ay isku raaeen in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafqsan Heshiiska Adeegga Hawada ee Labada Dal ee loo yaqaan BASA, kaasi oo dib u eegis lagu sameyn doono.

    Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale isku raacay in la fududeeyo sarena loo qaado iskaashiga ganacsi ee labada dal, ayada oo Soomaaliya loo furay inay suuqyada Kenya u dhoofiso kalluunka, halka Kenya ay dib u billaabeyso dhoofinta khaatkii la gayn jiray Soomaaliya, sida ugu dhaqsaha badan.

    Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in masโ€™uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan addeega dadweyne (Service) ee Soomaaliya ay Visa-ha Kenya ku helaan 48 saac gudahood marka ay ka codsadaan online, laguna siiyo garoonka, ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin.

    Waxay sidoo kale labada madaxweyne hoosta ka xariiqeen in dadka wata baasaboorka shacabka ee Soomaaliya si deg deg ah ay Visa-ha Kenya ku helaan, ayada oo la doorbidiyo in lagu siiyo 10 maalmood gudahood.

    Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo furo xuduudda labada dal si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqyada shacabka labada dal loona xoojiyo gacansiga badeecadaha ee ka dhaxeeya labada dal.

    Labada madaxweyne ayaa sidoo kale faray guddiga wada-jirka ah ee labada dal ee (JCC) inay ku kulmaan Muqdisho bisha August, si ay uga wada-hadlaan isugna raacaan arrimaha danta ay ugu wadajirto labada, sida dhaq-dhaqqayada amni, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, is-dhaafsiga xogta sirdoon, caafimaadka iyo tabararada dhinacyada kala duwan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.