Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Axmed Madoobe Oo heegan galiyay ciidanka Jubaland
    Somalia

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo heegan galiyay ciidanka Jubaland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Saldhiga Ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Buulo-Guduud amarro ku bixiyay in Ciidamadu ay u diyaar garoobaan Hawlgal xoog leh oo Al-Shabaab lagu cirib tirayo.
     
    Kismaayo, 26, Oct, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo.
    Madaxweynahu wuxuu halkaas kula hadlay Ciidamada oo u diyaar garoobaya hawlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo Gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybaha ay wali kaga dhuumalaysanayaan Jubbada Hoose.
     
    Dhamaan Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayuu ku amray in ay diyaar garoobaan oo ay ka qayb qaatan hawlgalka xoraynta deeganada wali ay haystaan nabad diidku.
     
    Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay sii burburayaan isla markana loo baahanyahay in la qaado hawlgallkii ugu danbeeyay oo Gobolka lagaga saarayo.
     
    Dadweynaha ayuu ku booriyay in ay Ciidamada garab istaagan oo ay ka qayb qaatan sidii looga hortagi lahaa dhaqamada Argagax galinta iyo cabsida ee ay Al-Shabaab doonayaan in ay umada ku niyad jabiyaan.
     
    “ Al-Shabaab ma haystaan awood ay idinkaga hor’iman karaan waxa kaliyah oo inala gudboon waa in aan weeraro oo god iyo geedba aan ka daba gallo” ayuu yiri Madaxweynahu.
     
    Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in gaba’gabo uu marayo diyaarinta hawlgal weyn oo Jubbaland oo dhan ka bilaabanaya sidaas darteedna uu wakhtigiisa ugu badan ku qaadan doono xeryaha Ciidamada iyo abaabulka hawlgalka lagu naafaynayo Argagixisada.
     
    “ Ciidamada ayaan dhex joogi doona si aan idinla qaybsado wakhtiyada adag ee aad wadankiina u halgamaysaan anigoo huba in aad guulaysan doontaan“ ayuu yiri Madaxweynahu.
     
    Ciidamada Darawiishta Jubbaland waxay maalmahii lasoo dhaafay Hawlgalo ka sameeyeen qaybo kamid ah deegaanada gosha halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo argagixasadu kulaheyd deeganadaas , Madaxweynahu wuxuu sheegay in taasi ay banaanka soo dhigtay sida aysan Al-Shabaab awood ugu lahayn in ay sii jirto.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.