Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Axmed Madoobe”Waa in aan manhajka waxbarshadeena badalnaa’
    Somalia

    Madaxweyne Axmed Madoobe”Waa in aan manhajka waxbarshadeena badalnaa’

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 16, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka booqday qaar kamid ah goobaha Waxbarashada Magaalada Kismaayo.

    Madaxweynahu wuxuu tagay Iskuulada Jubba iyo Faanoole ee Magaalada Kismaayo oo ay dhigtaan boqolaal Arday ah.

    Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ardayda dhigata labadan iskuul u jeediyay qudbad uu ku dhiiri galinayay waxbarashada iyo ahmiyada ay ubadka soo koraya u leedahay isagoo sheegay in wax laga badalayo manhajka ay hada dhigtaan isla markana la samaynayo mid Cusub oo dhaqanka iyo habraaca Soomaalida ku salaysan.

    “Manhajka aad hada wax ku barataan inkasto uu yahay mid duruufo adag aan kaga soo gudubnay hadana waxaan ku tala jiraa in mid ka fiican oo dhaqankeena iyo habraaceena nololeed ka turjumaya aan ku badalo oo sanadaha danbe aan hirgalino” ayuu yiri Madaxweynahu.

    Dhamaan dhinacyada ay qusayso ayuu sheegay in ay la kaashan doonan sidii manhaj sax ah looga hirgalin lahaa Soomaaliya oo dhan isla markana meesha looga saari lahaa manhajyada hada lagu dhigo goobaha Waxbarashada oo mararka qaar aan lagu dabaqi Karin hab Nololeedka Bulshada Soomaaliyeed.

    Dadaalka la xiriira hormarinta Tacliinta ayuu Madaxweynahu xusay in ay dardar galinayaan ahmiyada koowbaadna ay Xukuumadiisu siin doonto si Mustaqbalku mid Wanaagsan oo faaӒido leh uu u noqdo.

    Waxaa uu sheegay in ay jiraan deeqo dalka dibadiisa oo dhinaca waxbarashada ah isla markana ay ka faa’iidaysan doonan Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.