Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Biden oo uhanjabay Boqortooyada Sacuudiga
    Somalia

    Madaxweyne Biden oo uhanjabay Boqortooyada Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Joe Biden,ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib markii dalalka OPEC+ ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqeen inay dhimi doonaan wax soo-saarka shidaalka, kuna gacan sayreen diidmada Mareykanka.

    Hadalka Biden,ayaa yimid maalin kadib markii Senator-ka awoodda badan ee Dimoqraadiga ah Bob Menendez, oo ah guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda Senate-ka, uu sheegay inay qasab tahay in Mareykanka uu si deg deg ah u hakiyo dhammaan iskaashiyada uu la leeyahay Sacuudi Carabiya, oo ay ku jirto iibinta hubka.

    Biden, oo wareysi siiyey Jake Tapper oo ka tirsan CNN, ayaan sheegay tallaabooyinka uu ka fakarayo.

    Afhayeenka Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in dib u eegis siyaasadeed la sameyn doono, hase yeeshee waqti uma aysan qaban tallaabooyinka la qaadayo iyo cidda sameyneysa dib u qiimeynta.

    “Dowladda Mareykanka si dhow ayey ula socon doontaa xaaladda toddobaadyada iyo bilaha soo socda,” ayey tiri.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa sheegay in go’aanka OPEC+ uu ahaa kaliya mid dhaqaale, islamarkaana ay si wadajir ah u qaateen dalalka xubnaha ka ah.

    “Xubnaha OPEC+ waxay u dhaqmeen si mas’uuliyad leh, waxayna qaateen go’aano ku habboon,” ayuu Amiir Faisal u sheegay taleefishinka Al-Arabiya.

    Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

    Mareykanka ayaa ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa si qarsoodi ah isugu dayayey inay ka dhaadhiciyaan saaxiibadooda Carabta inay ka tanaasulaan fikradda dhimista soo-saarka, hase yeeshee Amiirka sida aan rasmiga aheyn u xukuma Sacuudi Carabiya ee Maxamed bin Salmaan ayaa laga dhaadhicin waayey.

    Bin Salman iyo Biden ayaa intii lagu guda jiray booqasho uu Biden ku tegay Jeddah bishii July waxay isugu dhaceen dhimashadii 2018 ee suxufigii Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post Jamaal Khaashuqji.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.