Garoowe: 11 May 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan Qado oo isxog-wareysi ah la qaatay Bulshada Gobolka Nugaal.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Siyaasiyiinta, Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Nugaal, ayaa looga hadlay Amniga iyo horumarka Gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.