Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo booqday Safaarada Somalida Ee Zambia
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo booqday Safaarada Somalida Ee Zambia

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 12, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Lusaka: 12 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Safaarada Somaliya ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay kusoo dhoweysay Safiir Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Safaarada.

    Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday Dhismaha Safaarada, xafiisyada kala duwan iyo qeybta loogu talagalay deegaanka Safiirka oo ay dhismihiisa iska kaashanayaan Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa Safiirkeenna Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sareeyo iyo maamuuska, wuxuuna boggaadiyey shaqada Safaaradu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

    Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay booqashada , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Saraakiil Madaxtooyo.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    July 3, 2025

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.