Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo Casho sharaf usameeyay haldoorkii Shirka
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo Casho sharaf usameeyay haldoorkii Shirka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan mahadcelin ah u sameeyay marti sharaftii iyo ergadii kasoo qeybgalay Shirka wadatashiga Puntland, Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame.

    Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay RaΓ­salwasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.


    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey dhammaan ergadii iyo marti sharaftii kasoo qeybgashay iyo Guddiyadii iyo dhammaan dhinacyadii kasoo shaqeeyay qaban qaabada Shirka.

    Shirka Wadatashiga Puntland oo muddo saddex maalin ah ka socday Garoowe ayaa kusoo dhammaaday guul, waxaana uu ka midyahay kulamada taariikhiga ah ee ay isugu yimaadeen dadweynaha iyo dowladda Puntland.

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.