Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Haweenka Gobolka Mudug
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Haweenka Gobolka Mudug

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 11, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo, 11 Agoosto 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xubno tirsan Golaha Xukuumadda ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay haweenka Gobolka Mudug. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenka ee nabadda iyo horumarka Puntland.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku laf-dhabar u yihiin nabadda iyo horumarka Puntland, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan kaqaybgalka arrimaha bulshada, gaar ahaan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, wuxuu Haweenka Gobolka Mudug ku booriyay in ay ka qeyb qaataan Wax-soo-saarka Beeraha, Dhaqashada Xoolaha, Kahortaga Tahriibka, Illaalinta Deegaanka iyo dhiirigelinta Ganacsiga yaryar ee haweenka.

    Haweenka Gobolka Mudug iyo Guud ahaan Puntland ayaa Dowladdu siisay fursad siyaasadeed oo furan, Markii la hirgeliyay Doorashooyinka qof iyo cod ee Goleyaasha deegaanka oo ay ku heleen metelaad ka badan intii hore , waxayna Madaxweynaha iyo Dowladda uga mahadceliyeen fursada iyo ahmiyada lasiiyey si ay u xoojiyaan doorkooda muhimka ah.

    – DHAMMAAD –

    XAFIISKA WARFAAFINTA
    MADAXTOOYADDA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.