Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo kulan xog waraysi ah la qaatay Gudiga Doorashada
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo kulan xog waraysi ah la qaatay Gudiga Doorashada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

    Madaxweynaha,ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlay
    sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan.

    Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khudeyso si dhameystiran loogala shaqeeyo Guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo Doorashada goleyaasha deegaanku ay ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.