Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo qaabilay weftiga Ciidan Ee Itoobiya
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo qaabilay weftiga Ciidan Ee Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 21, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, 21, Ogoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya iyo Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane Dagnachew Yitbarak.

    Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

    Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada DPL ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo isu socodka dadka.

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.