Garoowe: 25 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah iyo Qado sharaf u sameeyay Raβiisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Raβiisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kulanka oo ahaa is xogwareysi waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.





