Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo soo gaba-gabeeyay murankii ka taagnaa Shirkadda PDG (XOG)
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo soo gaba-gabeeyay murankii ka taagnaa Shirkadda PDG (XOG)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si xirfadeysan u soo gaba-gabeeyay muran bilihii ugu dameeyay ka taagnaa Mashruuca “Logistics” ee Ciidanka Badda Puntland, sida ay shabakadda Idil News u xaqiijiyeen xubno ku dhow xafiiska Madaxweynaha.

    Madaxweyne Deni ayaa qandaraaska ku wareejiyay ganacsato cusub oo kasoo jeeda beesha Cali Saleebaan, oo ah beesha horey mashruucan u hoggaaminaysa, waxaana meesha laga saaray koox ganacsato oo uu hoggaaminayay “Saalax Deer” oo ahaa saamilaha ugu weynaa shirkadda PDG ee qandaraaskan horey u heysatay.

    Mashuuracan oo bishii ay ku baxdo 1 Milyan oo dollar, ayna bixiso Dowladda Imaaraadka carabta, oo taageerta Ciidanka PMPF Puntland, ayaa waxaa lagu wareejiyay Jifida Cawyahan-Cali saleebaan, halka ay horey u heysteen ganacsato kasoo jeeday jifida Bicidyahan-Cali saleebaan.

    Sidoo kale, Waxaa mashruucan ku biiray Madaxweynaha Puntland, oo uu ku matalayo walaalkiis Xassan Deni, waxaana tani ay u muuqataa in Madaxweyne Deni uu si khibradaysan oo xaliyay doodii ka taagneyd mashruuca PDG.

    Waxgaradka Gobalka Bari ayaa horey uga hor-yimid in Mashruuca PDG laga wareejiyo Beesha Cali Saleebaan, maadama uu yahay il dhaqaale oo fadhida, sidoo kalena uu yahay Mashruuca kaliya ee bashaas horey Puntland u keentay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.