Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidamada Madaxtooyada iyo Daraawiishta
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidamada Madaxtooyada iyo Daraawiishta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 24, 2024Updated:September 24, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 24 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta taliska Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad shahaadooyin ku guddoonsiiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo tababar dhameystay, kuwaasi oo kala ah hurinta 2-aad ee Ciidanka Madaxtooyada iyo Saraakiisha Guutada Duufaan.

    Madaxweynaha ayaa Ciidanka ku boggaadiyey guulaha ay kasoo hooyeen xagga amniga iyo difaaca, iyadoo ciidamada Puntland oo aysan AMISOM wehelin ay sugaan amniga dhulka ugu weyn Soomaaliya .
    “Waxaan ku faraxsanahay in iyadoo AMISOM ama ATMIS joogin, ay Ciidankeenu ku guuleysteen in ay sugeen amniga Puntland oo ah dhulka ugu weyn Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Madaxweynaha ayaa faray Saraakiisha iyo Ciidanka Dowladda Puntland, in la isu diyaariyo guluf lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Puntland, arrintaasi oo hadda ah howsha ugu weyn ee Dowladda hortaalla.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/09/AQNXYIbmeLU2Or8P45EsxF66TfM19LaSo3Tt0VhViJv5nezBGheVUBCjk0u9J0m6UBBJXmyy6exUbPrTh9jNt31q.mp4

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.