Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo ugu baaqay DFS iyo dowlad gobaleedyada wada-hadal+VIDEO
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo ugu baaqay DFS iyo dowlad gobaleedyada wada-hadal+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 9, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlayay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadiisi 8- January 2019, ayaa ku baaqay in xukuumadda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalku ay shir isu’gu yimaadan, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay, in ay marti-geliso shir weyne Wada-tashi ah oo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si ay uga wada-hadlaan, kagana tashadaan arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.


    Sidoo kale, Madaxwynaha ayaa xusay in arrimaha u baahan in laga wada-hadlo ay kamid yihiin; doorashada Madaxtinimada Dowladda Federaalka ee 2020/2021-da, dhammaystirka Dastuurka KMG ah, qeybsiga Khayraadka iyo deeqaha Caalamiga ah.

    Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa caddeeyay in xataa haddii meel kale lagu qabanayo, ay Puntland mar walba diyaar u tahay ka qeyb-galka shirkaasi, si ay kaalinteed u qaadato.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.