Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo xaqiijiyay Sanadkan in la qaban doono guud ahaan Doorashada G.deegaanka
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo xaqiijiyay Sanadkan in la qaban doono guud ahaan Doorashada G.deegaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay Bulshada rayidka ah, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, ujeedka kulanka ayaa daaranaa dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod sidii loo dhamaystiri lahaa Golaha deegaanka inta ka hartay.

    Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa Madaxweynaha & Bulshada rayidka ah la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan halka ay marayso shaqadda Guddiga Doorashooyinka waxaana uu madasha kusoo bandhigay warbixin dhameystiran taas oo iskugu jirta waxqabadka Guddiga, qorayaasha, iyo fursadaha hada ee ku aadan sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin hannaanka asxaabta badan.

    Dowladda Puntland waxaa ka go’an hirgelinta hanaanka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ee hal qof & hal cod, sanadkii tagay ayaa waxaa lagu guulaystay hirgelinta iskudaygii kowaad ee tijaabada 3 degmo taas oo dad waynuhu soo doorteen Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn, waxa dhammaan degmooyinka Puntland laga qaban doona doorashada Goleyaasha deegaanka, Guddiga ayaa dhawaan bilaabi doona diiwaan gelinta dadweynaha waxaana hada si habsami leh uga socota wacyi-glinta dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland.

    Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhegaystay aragtida Ururada Bulshada caawa madasha ka qayb-galay sida kale waxa uu sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay hirgelinta hannaanka Puntland u guurtay ee shacabku kusoo dooranayaan Madaxdooda.

    DHAMAAD.

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.