Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray. Jaamacada cusub
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray. Jaamacada cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bosaso: 05 October 2024: Madaxweynaha
    Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn sidaa darteed loo baahanyahay in laga wada qeybgeliyo dhammaan Jaamacadaha Puntland.

    Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Duqa degmada Boosaaso Mudane Cabdifataax Shanle iyo Maamulka Jaamacadda City Cot ee magaalada Boosaaso.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.