Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday isku day dil qorshaysan
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday isku day dil qorshaysan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 23, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xog laga helayo  ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in uu shirqool loogu tala galay in lagu dilo Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo 14kii July 2018.

    Xogtu waxay intaas ku daraysaa in shirqoolkaas la qorsheeyey in uu dhaco xiliga uu Madaxweyne Farmaajo u safri lahaa ka qaybgalka shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaaladda Brussels ee dalka Beljimka.

    Nooca shirqaaolkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray qaraxyo mataano ah oo la doonayey in lagu burburiyo gaariga uu Madaxweynuhu la socdo.

    Sirdoon dowlad ajnebi ah ayaa xogtu sheegaysaa inay Madaxweynaha uga digtay shirqool la doonayo in lagu khaarijiyo, kaasoo lagu soo beegayo xiliga safarkiisa.

    Haseyeeshee, 14kii July ayaa qaraxyo mataano ahi waxay ka dhaceen meel u dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya xili uu Madaxweynuhu ka maqan yahay Madaxtooyada, balse lagu soo beegay waktiga uu Madaxtooyada ka soo bixi lahaa, waxaana la xaqiijiyey in mudo 30 daqiiqo ah oo keliya ay u dhexeysay markii uu Madaxweynuhu Villa Somalia kaga baxay wado kale oo aheyn tii laga sugeyey ee qaraxyadu ay ka dhaceen.

     

     

     

    Kooxaha weerarka fuliyey ayaa lagu soo waramayaa inay ku labisnaayeen direyska cusub ee Guutada 43aad loo qaybiyey xili dhoweyd oo ay tababar u soo dhamaaday.

    Ugu yaraan qaraxyadaas waxaa ku dhintay Lix qof oo ay ka mid ahaayeen kuwii weerarkaas fuliyey, waxaana sheegtay masuuliyadda qaraxyadaas ururka Al-shabaab.

    Xil ka qaadista Ku Xigeenadda hay’ada NISA

    Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’ada sirdoonka Soomaaliya ee  NISA ayaa warku sheegayaa inay wax ka ogaayeen shirqoolka la doonayey in lagu khaarijiyo Madaxweynaha.

     

     

     

    16kii July Qoraal ka soo baxay agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa shaqada lagaga joojiyey laba Ku xigeen ee hay’adda NISA.

    Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye xigeenka koowaad ee NISA iyo Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka Labaad ayaa Labadaba waxaa xilkaas horay ugu magacaabay Madaxweyne Farmaajo bishii May ee sanadkii la soo dhaafay.

    C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xogtu sheegeysaa inuu horay uga tirsanaan jiray ururka Al-shabaab, balse mar danbe oo uu sheegay inuu ka soo tegay uu xilkan ka helay Dowladda Federaalka soomaaliya.

     

    Xigasho:-Madal Furan..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.