Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga safiirka Biljim
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga safiirka Biljim

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 12, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon.
     
    Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya ayaa war bixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgeum-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay inay garab istaagto Soomaaliya.
     
    Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa sheegay in Belgeum-ka iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican.wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.
     
    “Safiirka Belgeum-ka Madaxweynaha wuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee Danjirenimo, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso Safaaradaheedii dhammaan Adduunka ka jiray,waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan Yurub iyaga waddada ayay kusoo jiraan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.
     
    Dabayaaqada Bishan ayaa lagu wadaa in Dalka Belgeum-ka oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub uu marti geliyo shir Caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.